Warar dheeraad ah ayaa kasoobaxaya qarax lagula eegtay Ciidamo Itoobiya oo xoog ku joogo Soomaaliya gar ahaan degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay agagaarka degaanka Halgan,waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada Itoobiya fureen rasaas farabadan.

Dad ku sugan degmada Halgan ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxaasi kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya, hayeeshee ay dadka u diidayaan in ay tagaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.