Madaxtooyada ayaa gabi ahaanba dhaq dhaqaaqeeda la xadiday iyadoo bishi la soo dhaafay oo idil ay ku jirtay goobaha digniinada ugu badan ee waararada argagaxisada ay ku wajahnaayeen.

Warbixino badan oo uu madaxwaynaha jihooyin kala duwan ka helay ayaa la xaqiijiyay xiriirka ka dhexeeya Mahad Salaad iyo kooxda Al Shabaab.

Warbixinada la xaqiijiyay waxaa kamid ah in Mahad Salaad dagaal toos ah uu ku qaaday laba dhinac oo xog ogaal u noqon karta xogahan isasa soo taraaya, waxaa kamid ah dhincyadaas:

1. Saaxiibada caalamiga ah ee dowlada Somalia ka caawiya la dagaalanka kooxaha xag jirka ah.

2. Saraakiil horay uga soo shaqaysay sirdoonka oo uu dagaal toos ah ku qaaday.

Labada dhinac oo markii uu xilka qabtayba laga dareemay inuusan la dhacsanayn ayuu su’aalo toos ah ka waydiiyay sariikiisha, saraakiisha oo aad ula yaabtay ujeedka agaasimaha ayaa laga dhadhansan karay in Mahad ay dhankiisa jirto cabsi uu ka qabo cida xogtiisa og isagoo isku dayaya inuu la dagaalamo.

Balse wuxuusan ogayn in hadii uu dagaalka labada dhinac uu kula jiro sii daba dheeraado ama uu dhaawacyo muuqda oo la wada arki karo yeesho inuu soo dag dagayo fashilka waxa la isku haysto oo ah inuu xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab.

Madaxwayne HSM waxaa la gudboon in uu la dagaalamo Al Shabaab ka gudaha dowlada ku dhex jira inta uusan dagaal banaanka ah aadin si uu u sifeeyo dhamaan xarumaha dowliga ah.

Ugu danbeyn waa in madaxwaynaha uu iska ilaaliyo in go’aanada masiiriga ah ay la yeeshaan kooxdi laga ilaalin lahaa dalka si aysan uga sii hordhicin kooxaha xogtooda og ee ka hortagi kara dhagarta ay amniga dalka ku hogaaminayaan.

Qoraa: Abdi Muxudiin Warsame.
Wabilaahi Towfiiq

Halgan Media Service Desk