Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya gar ahaan degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah ee saldhigga ku leh degmadaas.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa miino ayaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegayaa inuu khasaare uu ka soo gaaray qaraxa.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa xoog leh ay maqleen oo ay xigtay rasaas ay rideen Ciidamada Itoobiya, lama oga khasaaraha illaa hada ka dhashay.

Hase ahaatee Xarakada Al Shabaab ayaa qoraal ay ku daabaceen baraha Internet-ka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaas, iyo inay gubeen mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.