Degmada Danood oo ka tirsan gobolka Dollo una jirta xarunta gobolka ee magalada Wardheer 74 kilomitir dhanka waqooyi ayaa mudo dhan 2 bilood waxaa ka jabna ceelka riiga oo magalada Danood u jira masafo dhan 3 kilomitir dhanka waqooyi.

Ceelka oo dhamaan baa ay ku nolayeen dadka iyo duunyada degmada Danood ayaa u adeegi jiray oo ka cabi jiray shacab iyo xoolo aad u badan ilaa Gashaamo ilaa Daratoole ilaa Marsin, hadaba ceelka oo booyada badan laga dhaamin jiray una qaadi jitay tulooyin iyo isla magalada Danood ayaa mudo labo bilood ah jaban.

Magalaada Danood malahan ceel gamceed dadku ka caban waxa ku yaalo waa barkado sida darteed madama shacabku noloshoodu ku tiirsanayd ceelka jabanyahayna ayaa waxa soo food sartay caqabad shacabka.

Hadaba mar anu wax ka way diinay shacabka ku nool Danood arintan ayay noo sheegeen inaysan u adkaysan karin biyo la’aantan sida darteed waxay baaq u direen dawlada deegaanka iyo cidkasta oo wax ka qaban karta arinkan.

Si shacabka heer Danood u helaan biyo nadiif ah kuwas oo ay ku nolaadan dadka iyo duunyaduba madama ay biyuhu yihiin as-aaska nolosha noolaha oo dhan.

Halgan Media.