Waxaa gabi ahaan fashilmay rajadii uu madaxwayne HSM ka lahaa dib u tayaynta sirdoonka kadib fashil la soo darsay shaqsigii uu sida deg deg ah ugu magacaabay sirdoonka isagoo wax talo ah ka galinin saaxiibada tiirarka u ahaa guusha.

Caqabad ugu wayn ee si hoose la isula dhex marayo ayaa ah in Fahad Yasin uu ka hayo Mahad Salaad cadaymo labo nuuc ah taas oo ku qasabtay in Mahad gadaal laga maamulo, iyadoo si toos ah loogu qasbay Mahad in daaha gadaashiisa uu ka maamulo Cabaas Yacquub oo isagana amarada shaqo ka soo qaadanaya Fahad Yasin & Xildhibaan Cabdilaahi Kulane.

*Maxaa laga hayaa Mahad Salaad?*

Mahad Salaad waxaa laga hayaa faro aan qarsoonayn oo la xiriirinaya Mahad Karataay, cadaymo buuxa oo ku saabsan xogtana waxaa si toos ah loogu gudbiyay sirdoonka Ethiopia iyo dowlad deegaanka Somalida ee Ethiopia madaxwayneheeda Mustaf Cagjar iyadoo laga tusay in weerarka lagu qaaday Ethiopia uu lug ku lahaa Mahad Salaad iyo dowlada Masar.

Warbixintaan loo gudbiyay Ethiopia, waxay sababtay in ay gabi ahaanba baaqato booqashadi madaxwayne HSM ee Ethiopia maadaama madaxiisa Sirdoonka lagu eedeeyay kiis culus.

Faraha labaad ee laga hayo Mahad Salaad, tiro dhowr jeer ah oo Mahad lasiiyay lacag uu usoo dhiibay Fahad Yasiin looguna soo dhiibay Cabaas Yacquub ayaa laga duubay muuqaal qarsoodi ah isagoo gudoomaya lacagta si marka loo baahdo loo isticmaalo. Waxaa hawshan si qarsoodi ah uga wada shaqeeyay Fahad iyo Cabaas xiligaas oo uu Mahad u gudbin jiray sirta HSM dhanka Fahad waana sababta looga la hadlay madaxwayne Qoor Qoor loogana celiyay Cali Yare Cali Airport ka Adan Cade si uusan ula tartamin Mahad Salaad.

Sida la wada ogyahay Cabaas Yacquub oo ah shaqsiga ugu awooda badan NISA ayaa tiro dhowr jeer ah kula kulmayay Hotel Dorbin xildhibaan Kulane iyo Najiib, waxay ka wada hadleen sidii si farsamaysan loo maamuli lahaa Mahad Salaad si loo fashilo madaxwayne HSM.

Cabaas Yacquub oo hada u baxay safar Turkey ah ayaa la rumaysan yahay inuu qaaday warbixin ay kamid tahay been abuur laga diyaariyay afduubki Prof Cabdiwahaab Shiikh ee Nairobi, iyadoo la rabo in lagu eedeeyo Raisal Wasaarihii hore Mohamed Xuseen Rooble loona gudbiyo dowlada Sweden si loo maxkamadeeyo Rooble.

Sidoo kale Cabaas wuxuu qaaday warbixino badan oo uu Fahad Yasin u diray taas oo ku saabsan xiriirada iyo safarada madaxwayne HSM uu u baxay kadib doorashadi, iyadoo la rabo dhawaan Cabdirisaaq Terrra ka sameeyo muuqaalo cusub oo lagu faahfaahinayo safarada madaxwaynaha.

Isku soo wada duub, kooxda madaxwaynaha oo arinkaan si dadban uga war helay ayaa aad uga walaacsan, waxaana suuqa si hoose usoo galay in xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa lagu badali doono Mahad Salaad si deg deg ah bilaha soo socdo.

Halgan Media Service Desk