Sida la ogyahay cudurka Coronavirus ayaa caalamka keentay inay kumanaan ku nafwayaan, waxaana maalinba maalin ka dambeeya sii badanaya Soomalida cudurka darteed ugu dhimato, waxaana dhimashada saamayn ku yeelatay Soomalida ku nool dalalka Ingriiska iyo Sweden

Maanta oo tariikhdu tahay 13ka bisha April waxaa magaalada Linkoping ee wadanka Sweden ku dhintay Allahu naxariistee Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Xaaji, waxaana la sheegay inuu u dhintay cudurka Coronavirus.

Taariikh Kooban: C/qaadir Sh Maxamed Allaha u naxariistee waxa uu ku dhashay Jigjiga 1959, waxa uu ka qalin-jabiyay Jigjiga Serior Secondary School 1976 GC, isla waqtiyadaasba Cabdiqaadir waxa uu ku biiray Jabhadii WSLF, isaga ka mid noqday raga fara-ku-tiriska ah ee aadka ugu xeeldheer Miinada, Wacdaro badanna kasoo hooyay, Abaal-marinno uu ku mutaystayna gacantiisa uu ka galiyay Yuusuf Dheere Taliyihii WSLF, Wacdarahaas waxaa ka mid ahaa Dagaalkii Meermeeratada Faafan dusheeda ah, halkaas oo uu markii danbe ku dhaawacmay.

Dawladii Soomaaliya Cabdiqaadir waxa uu kasoo shaqeeyay Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha iyo waliba Hay’addii UNHCR sidoo kale Cabdiqaadir waxa uu ahaa Xoghayihii Gudiga Doorashooyinkii ugu horreeyay ee ka dhaca ismaamulka Soomalida 1992,

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Gudigii Turjumay Manhajka Iskuulada ismaamulka Soomalida lagu dhigto, Sidoo kale waxa uu ahaa marxuumku ninkii bixiyay magacyadan loo yaqaano hada Iskuulada Jigjiga sida: Sh Cabdisalaam, Axmed-hurry, Wiil-waal iyo Xusseen Giire markii uu ahaa Guddoomiyaha Xafiiska Waxbarashada Gobalka Jigjiga.

Marxuumku waxa uu kasoo shaqeeyay Xafiisyada Waxbarashada iyo Arrimaha Bulshada ee DDS isaga oo boosas sare ka gaadhay, Marxuumku waxa uu ahaa Af-tahan Gabayaa ah, Bulshaawi Dhaqan wacan cidii barataana ayna ka xiiso goyn, Allaaha u Naxariisto Marxuum Cabdiqaadir Sh Maxamed, Janatul Fardawsana Allaaha ku Casuumo, Ajri Shahiidna Allaaha Boqorka ahi ha ku abaalmariyo.

Hoos Ka Daawo Sawiirka.