Maalmihii u danbeeyay waxaa sii xoogeysanayay falalka amaan darri ee ka jira gudaha Itoobiya xilli mamuul kusheega Abiy Ahmed dalkaasi ay isku dayeysay iney soo afjarto kala duwanaanta ka dhex taagan qowmiyadaha kala duwan ee dalka.

Magaalada Addis Ababa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay howlgallo raaf ah ka dib markii dhalinyaro loo maleynayo iney taabacsan yihiin xisbiyada Oromada ay ku kaceen falal ka dhan ah qowmiyadaha kale.

Falalkaas ayaa sidoo kale loo sababeeyay khilaaf ka dhex oogan xisbiyada Oromada iyo kooxaha Mucaaradka ee dhawaan nabadda qaatay, waxaana la soo sheegay in axsaabta qaar ay labo u kala jabtay isla markaana hadda ay ku loollamayaan deegaanada dhaca mandiqadda Addis Ababa.

Dalka Itoobiya oo dhawaan ay ka dhaceen isbadallo siyaasadeed oo waaweyn ayaa hadane la rumeysan yahay in wali ay aasan yihiin aanooyinka u dhexeeya qowmiyadaha, waxaana hadda billowday dhalleeceymo loo jeedinayo Raysal Wasaraha kusheega gumeysiga itoobiya Abiy Axmed oo la xiriira inuu dhinac la noqday qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media