Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda ayaa sheegtay in aqoonsigaas uu yahay mid Axmed Madoobe loogu aqoonsaday inuu si kumeel gaar ah u noqdo madaxweynaha Jubblanad muddo laba sano ah.

Labada sano ee Axmed Madoobe loogu aqoonsanday Madaxweynaha Jubbaland ayey sheegtay Dowladda inay ka bilaabaneyso waqtigii ay dhacday doorashadii Kismaayo ee dib loogu doortay, taasoo ka dhigan in hadda ay kaliya u hartay hal sano.

Sidoo kale war saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda ayaa Axmed Madoobe loogu baaqay inuu isku keeno qeybaha kala duwan ee Jubbaland si looga tashto dhismaha Maamulka Jubbaland marka uu dhamaado waqtiga kumeel gaarka ah ee loo ogolaaday Axmed Madoobe.

Dowladda ayaa ugu dambeyntii cambaareysay faragelin ay sheegtay inay Dowladda Kenya ku heysto arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.