Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Doollo ee wadanka Ogadenia ayaa tibaaxaya tacadiyo baahsan ay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska u gaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Galaadi ee Gobolka Doollo.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 13/6/2020 degmada Galaadi ee gobolka Dollo ay Liyuu Booliska ku xidhee dad aad u badan. Dadka la xidh xidhay qaar kamid ah ayaan magacyadooda hellay.

Waxaay kala yihiin sidan soosocota.

  • Xasan xaashi Awyuusuf
  • Daud Yuusuf Tahliil
  • Muuse Cumar
  • Qoodaar xaashi Jaxeer
  • Deeq Awcali
  • Abdulkaadir Sanyare
  • Cumar Aadan Food

Sii kastaba ha ahaatee waxaan dib idiinka soo gudbin doonaa wararkan iyo waxa kasoo kordha, ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu xabsiyada kasii daayo dhamaan ba maxaabiista Soomaaalida Ogadrniya ee ku jira Xabsiyada.

Halgan Media