Ismaamulka Tigreega ayaa qorsheynaya inuu doorashooyin qabto, sida uu sheegay xisbiga maamula, taasi oo horseedi doonta isku dhac dhex mara ayaga iyo dowladda federaalka dalkaas.

Itoobiya ayaa bishii March hakisay doorahsooyinka baarlamanka iyo kuwa gobollada ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Weli lama go’aamin waqti cusub, islamarkaana baarlamanka ayaa Talaadadii ku guul-darreystay inay isku raacaan waqti kadib kulan ay yeesheen.

Kooxda TPLF oo ah xisbiga ugu weyn ismamuulka Tigreega ayaa sanadkii tegay ka baxday isbhayaiga EPRDF, kadib markii saddexda xisbi kale ee ku jira ay ku midoobeen xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada ama Prosperity Part (PP).

Kooxda TPLF ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, inkasta oo federaalka uu hakiyey.

Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay inaysan TPLF ka helin wax codsi ah oo ku aadan inay qabtaan doorasho, islamarkaana cid aan ayaga ahayn aysan lahayn sharciyad ay ku qabtaan doorasho noocee doonto ha noqotee.

Bayaanka TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.

PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi.

Itoobiya waxay hadda qarka u saaran tahay dagaal qowmiyadeed dalku ku hoobto. Dastuurka Itoobiya ayaa xukuumadda siinaya muddo xileed shano sano ah. Muddo xileedka Abiy Ahmed wuxuu dhacayaa bisha September.

Warkan iyo wixi kasoo kordha Kala soco Halgan Media.