Kulan maanta baarlamanka kusheega Jigjiga  ay ku yeesheyn magaalada Jigjiga ayaa waxaa ay ku ansixiyeen inuu Mustafa Cumar (Cagjar) u yahay wakiilka gumeysiga u qabilsan Ogadenia.

Baarlamaanka kusheega ayaa wakiilka gumeysiga Mustafa tilmaamay in uu yahay xubin sare oo ka mid noqonaya xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada gumeysiga Itoobiya.

Sidoo kale baarlamaanka kusheega waxaa ay laaleen degmooyinkii iyo gobboladii la magacaabay ilaa 1-dii August, Xilligii maamulka Cabdi Iley ay yihiin kuwo nidaam iyo sharci aan loo marin.

Wakiilka gumeysiga Mustafa Cumar (Cagjar)  ayaa markii ugu horreyso isagoo ah madaxweyne maanta tagay xarunta maamul kusheega Jigjiga. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.