Wararka naga soo garaya degmada Bookh ee gobolka Doolo ayaa sheegaya in ay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay xabsiga u taxaabeen maamulihii dugsiga sare ee degmada bookh Cabdi xassan Mumiin.

Sida aan xogta ku helnay maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa xiray, kadibna u kaxeystay xabsi ay ku leeyihiin degmada Bookh, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu biyo diiday amar kasoo baxay maamamulka degmadaasi ee Bookh.

Gobolka Doolo waxaa mar walba soo labanayo tacadiyada iyo xad gadubyada loo geysanaayo dadka rayidka ah oo waxba galabsanin, wuxuuna xaalada kasii xumaanaya malinba maalinta kasii dambeyso.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.