Laba sano ka hor maanta waxaan qalinka ku duugay qoraal kooban, anoo markaa isku dayayay inaan falanqeeyo Xukuumadda DDS wixii talo ahna aan ka dhiibto. Qof walba wuu aqrisan karaa laba sano kadib wixii dhacay iyo xaalka meesha u marayo maanta.

Maantana waxaan doonayaa inaan diiradda saaro JWXO wixii talo ahna aan u gudbiyo. Ma aha markii u horraysay ee aan fikirkayga la wadaago JWXO. Gudoomiyhii hore Mudane Maxamad Cumar Cusmaan iyo Guddoomiyaha maanta Mudane Cabdiraxmaan Sh. Mahdi iyo madax kaleba horaan u kulannay marar badanna aragtidayda waan u gudbiyay. Waxaa ugu dambeeyay 2018 oo aan Asmara kula kulmay iyo 2019 oo aan Jigjiga kula kulmay. Ma hubo wax cadyn ahna uma hayo in talooyinkaygii hore ay qaateen ama dhaqangaliyeen. Siday yeeli waa mid iyaga urur ahaan u taalla. Laakiin waxaan qirayaa inay si xushmad leh ii soo dhaweeyeen iina dhagaysteen. Maantana hawada ayaan talo u marinayaa. Waxaanan ka rajaynayaa inay akhriyaan, dabeedna sida la qummanaata ama ay ka badin waayaan ay yeelan, sidii horeba u dhici jirtay.

Qaddiyadda aanu ka hadlayno waa qaddiyad Soomaaliyeed oo xaq ah. Dhiig iyo qiima aan la qiyaasi Karin ayaa ku baxay. Laakiin ururrada ama shaqsiyaadka halganka hoggaamiya waa baanii aadam. Way khaldami, wayna ilduufi. Dib-u-fikir iyo qiimayn joogta ah waa lagama maarmaan. Weliba marka ay jiraan xaalado cakiran haliso badanna xambaarsan in dib la isugu noqdo si qota dheerna wax loo falanqeeyo waa lagama maarmaan. Maanta maalintaa ayaa la taagan yahay. Waa maalin daran. Talo iyo Tamar wixii la hayo hadda ayaa loo baahan yahay si maanta loo badbaado, beerina loo badhaadho.

Sax ayay ahayd in nabadda la qaato oo dariiq nabad ah arrimaha masiiriga ah lagu raadiyo. Laakiin waxaa muuqata siyaasadaha cakiran ee Itoobiya iyo halisaha badan ee ka oogan Geeska Afrika ay abuureen xaalado kicin kara ama loo adeegsan karo xiisado iyo colaado halis galin kara nabadda iyo xasilloonida degaanka si fufud oo aan laga fiirsaninna wax badan u halayn kara. Cadaw badan oo ay qaddiyaddan leedahay ayaa mus walba ku jira. JWXO waxaa waajib ku ah inay indhaheedu furnaadaan ayna feejignaadan si aanay u noqon yool ay ku toog bartaan xoogagga kala duwan ee Itoobiya ee qaddiyadda Soomaalida saska ba’an ka qaba.

Fursadda ugu fiican waa in ay wada shaqayn fiican yeeshaan xukuumadda DDS iyo JWXO. Wada shaqayn buuxda oo aan xanaf lahayn siyaasadda Itoobiya kama suuragasho. Cilladaha yimaaddana ma aha in dusha loo saaro Madaxwayne Mustfa iyo Guddoomiye Maaday keligood. Caqabado badan oo jira waxaa ku lug leh Xukuumadda federaalka ah iyo xoogagga kale ee ku loollamaya hoggaaminta Itoobiya.

Haddii ay suuragali waydo wada shaqayn iyo afgard dhexmara Xukuumadda DDS iyo JWXO, waxaa habboon in xisaabta iyo naqshadda dib loogu noqdo, si xasilloon oo caadifad aan lahayna loo fikiro, istraatajiyo cusubna la falkiyo.

Istraatajiyada koobaad waa inay ahaata maxaa laga yeeli doorashada. Intiinna ardaaga fadhida ayaa lagu tuhmi inay xogogaal yihiin, si dhab ahna u cabbiri karta fursadaha muuqda, caqabadah jira, iyo halisaha ku teedsan dariiqii la qaadaba. Laakiin waxaa jira macluumaad cam ah iyo ifafaalooyin muuqda oo mudan in la tixgaliyo laguna darsado xisaab kasta oo la miisayo.

Itoobiya doorasho ma ka dhacaysaa? Hadday doorasho dhacdo miyay noqon dorasho xor ah caddaaladna ah? Degaanka Soomaalida ma degaannada kale ayuu kala mid ahaan doorashada, mise sidii horeyba u dhici jirtay si gooniya oo macmal ah ayaa loo maamuli? Su’aalahan cidna si buuxda oo sugan ugama jawaab karto maanta. Haddii waayaha, taariikhda, iyo hiddaha Itoobiya la fiirsho se, jawaabaha la faili karo ma aha kuwo lagu farxi. Itoobiya dhaqan iyo hiddo uma laha dimuqraadiyad iyo doorasho xor ah. Degaanka Soomaaliduna sidii la rabo ayaa laga yeeli jiray.

Haddaba hadduu xaalku sidaa yahay, waxaa habboon inay JWXO aad uga fiirsato waxay ka yeeli lahayd doorashada, mar haddii aan la hubin inay dhici, hadday dhacdana ayna xor noqonayn. Waxba laga dheefi mahayo iska horimaad iyo xiisado joogta ah oo dhex mara DDS iyo JWXO waxa ka soo bixina aan la garanaynin. Taa badalkeeda halaga fikiro in DDS iyo JWXO ay ku heshiiyaan hindisooyin siyaasadeed oo degaanka nabadiisa sii adkaynaya horumar cusubna keeni kara.

Markaad qiimayso xaaladaha cakiran ee jira iyo halisaha ay xambarsan yihiin, waxaa habboon in la tixgaliyo talooyinkan.

  • In DDS iyo JWXO ay ka wada shaqeeyaan hindise (Platform) doorashada lagu galo.
  • In JWXO ay ku qanacdo ama lagu qanciyo inaanay doorashada soo socota ka qayb galin.
  • In DDS ay garawsato in nabadda la haysato ay ka dhalatay heshiiskii nabadda ee ay JWXO la gashay Itoobiya, ayna abuurto fursado degaanka loogu soo dabaali karo siyaasad xasilloon, nabad waarta iyo horumar tayo leh.

Waa arrin suura gali karta kaddii laga wada shaqeeyo, geesinnio iyo dulqaadna lala yimaaddo.

Allah ayaa garan oo iftiimiya talada khayrku ku jiro.

W/Q : Hassan Keynan