Guud ahaan gobolka Dollo oo ka kooban 7 degmo ayaa waxa ka jira adeeg xumo ay ka cabanayaan shacabku kuwas oo dhanka dawlada ay shacabku ka sugayeen.

Degmooyinkas waxa ugu daran degmada Lehel-Yucub ee xarunteedu tahay Lehelow, halka oo aysan ka jirin xarun caafimad iyo adeega is gaashsiinta oo shacabku sheegeen inay baahi u qabaan.

Degmada Lehelow oo ku taal konfurta magalada Wardheer ayaa waxay u jirta 58 kilomitir, waxay naa xukunta oo hoos yimaada tuulooyin badan halkas oo ay ku nool yihiin bulsho tiro badan.

Bulshadan ayaa bahida ugu daran waxay ku tilmaameen adeega caafimaadka oo ugu sokeyo magalada Wardheer kaas oo tayo fiican lahayn waa siday shacabku noo sheegene majiraan meel laga dhaliyo hooyooyinka uurka leh laguna kala badbqdiyo ayada iyo ilmaheeda sido kale dadkaas oo badana xoolo dhaqato ah kana fog jidadka gaadiid mareenka ah iyo magalada ayaa jirin gaadiidka deg-dega ah ee anbalasta taas oo bukaanka u adeegi karta.

Siido kale majiraan isgaadhisiin ay kula xidhiidhan cidii cawinlahayd sida darteed degamada lehelow oo ka mid aha degmooyinkii cusba ee deegaanka ku soo kordhay.

Ayaa sideedi tuulonimo ilaa hada ka socda wax ay ku soo kordhisay dagmanimadu aysan jirin ilaa hada shacabkan oo ah kuwa ay ka muuqato baahida ayaa baaq u diray dhawrjeer xukumada deegaanka ka arimisa ilaa hadana kama aysan soo jawaabin.

Shafi Dulane Halgan Media.