Booliska Itoobiya ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameeyeen meydad ku aasnaa xabaalo wadareed laga helay deegaan u dhexeeya  Ogadenia iyo ismamuulka Oromada ay ahaayeen dad dhigayay banaanbaxyo loogaga soo horjeeday maamulkii hore ee dhigya cabka Cabdi Iley.

Booliska ayaa soo bandhigay baaritaan ay sameeyeen kahor maxkamadeynta dhigya cabka Cabdi Iley oo dhowr jeer hore ka soo hormuuqday maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa.

Wararka ayaa sheegaya in Booliska baarayay xabaalo wadareedka ay codsadeen in loogu daray muddo 14 maalmood ah mudada loo cayimay inay ku soo gabagabeeyaan baaritaanka.

Cabdi Iley oo haatan loo haysto dambiyo kala duwan ayaa soo noqday taliyaha ciidamada amniga kahor inta uusan noqon wakiilka gumaysiga u qabilsan Ogadenia sanadkii 2010kii.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.