Wararka laga helayo gobolka Doolo ayaa ku warramaya in dhaq dhaqaaqyo Xoogan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa xoogan ayaa ka socda nawaaxiga degmada Galaadi ee gobolkaasi

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Halgan Media ayaa sheegay in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska saldhigyo iyo Bara Kaantarool ka sameystay tuuloyinka Qorof, Urmadag, Duuban, Janbacley, Bariscade iyo Qaloocan oo kawada tirsan degmada Galaadi,

Sidoo kale Waxaana cabsi xoogan ay soo food saartay dadka ku dhaqan deegaankaasi, kadib markii maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay bilabeen dhaq dhaqaaqyo xoogaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.