Wararka laga helayo gobolka Qorahay ayaa ku warramaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan, una dhexeysa laba Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa laga dareemayaa qabalaha Higlo ee santarka Caleen hoos imaado degmada Shilaabo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in uu dagaallo ay ka dhacaan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan. Waxaana la sheegay in ciidanka Liyuu Booliska loo dira goobta uu xiisada ka tagaanyahaay, kadibna dhex galay labada dhinac is hor fadhiyay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.