Ayada oo roobkii gugu illahay ku shubay si fiican u helay dhamaan baa gobolada Ogadenia kuna barwaaqoobeen dadka iyo duunyadaba.

Ayaa xiligii ay rabeen beeralayda in ay beertan ama u soo bixijiratay dalaga beerahooda inay beertaan gobolada caanka ku ah beeraha ayaa waxaa ku habsaday AYAX duulaan ah oo aad u tiro badan sida.

Gobolada kala ah faafan Qoraxay iyo Shabelle sido kale wuxuu gaadhay oo daaqii xoolaha ku habsaday gobolka Dollo.

Ayaxan oo aad u farabadan kana yimaaday dhanka Soomaaliya kana soo galay deegaanka ayaan waxba reebayn daaqa xoolaha iyo tacabka beeraha ayago ay sheegeen dadka shacabka ah inaysan u taag hayn qaabkay wax oga qabanlahayeen aysan beeran karina wax beero ah.

Maadama laa joogo xiligii dalaga laa beeran lahaa khasatan gobolada Qoraxay, Fafaan iyo Shabelle oo dalaga beeraha caan ku ah.

Sida ay sheegewn shacabku kama aysan helin wax takula ah dhanka dawlada wax ka qabashada lagula tacaali lahaa ayaxan aan waxba ka reebayn dalaga iyo daaqa xoolaha.

Lamagaranayo inta uu sii haysan doono goobaha u ku dagay lkin waxay walaac xoogan ka muujiyeen bulshadu samayntisa xoolo dhaqato iyo beero qodotaba.

Shafi Dulane Halgan Media Jigjiga.