Dad shacab ah oo laxidhiidhay idaacada VOA qaybta Amharada ayaa kadayriyay xaalada nabadgaliyo daro ee degmada Jaaju ee gobolka galbeedka Wallega ee Ismaamulka Oromada.

Shakhsiyaad kaas laxidhiidhay VOA da ayaa sheegay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay 2 wiil oo dhalinyaro ah ciidanka gumaysiga Itoobiya kudileen dhalinyaro tiro badana jidhdil loogaystay kadibna xabsiga ladhigay.

Ciidanka mulatariga sargaal uhadlay ayaa beeniyay eedaymahaas loosoo jeediyay sheegayna ciidanku inuuna cidna dilin cidna uuna xidhin.

Alemayo ijigu, koomishneerka booliska Ismaamulka Oromada oo VOA du laxidhiidhay ayaa usheegay in hawlgal balaadhan ooy kasameeyeen gobolada; galbeedka Wallega, Bariga Wallega iyo goobo kale ay gacanta kudhigeen maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsan jabhada Oromada loo yaqaano Oromo Liberation Front ahaana kuwii dhibaataynayay bulshada.

Komishneerka oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay inay siiwadayaan howlgalkooda ilaa inay ka sugayaan amniga iyo saraynta sharciga.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.