Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Dhinacyada ayaa la filayaa inay wada-hadallo kale oo dheeri ah yeeshaan, islamarkaana ay soo saaraan qodobada faah-faahsan ee heshiiska ay gaareen.

Waxaa sidoo kale qabsoomaya shir saddex-geesood ah oo kulminaya Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhacaya magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea 6- 7 bishan September.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.