War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Dueynta aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow oo ka tirsan gobolkaasi, sida lagu shaaciyey warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa.

Gobolka Shabellaha Hoose oo ay weli meelo badan kaga sugan yihiin Xarakada Al Shabaab ayaa waxa inta badan ka dhaca weeraro dhanka cirka ah

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo khasaaro geysta ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waxaana maalmihii u dambeeyey diyaaradaha Mareykanka kordhiyey duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.