War kasoo baxay Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidammada Amniga howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen konfuurta Soomaaliya gar ahaan magaalada Muqdisho iyo gacanta ku dhigen xubin ka tirsan Amniyaadka Dagaalamayaasha  Al-Shabaab.

Warka kasoo baxay taliska laguma xusin magaca shaqsi ay ciidamada ammaanka qabteyn.

“27-da Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan waxaa magaalada Muqdisho ka fuliyay ciidanka amaanka Dowlada Federalka Soomaaliya waxaana lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabaab ah, Howlgalka cidi wax kuma noqon, Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida”.ayaa lagu yiri War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska NISA.

Maalmo ka hor ayeey aheed markii mamuulka Farmaajo ay sheegtay in labo dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab howlgal laga sameeye degmada wadajir lagu soo qabtay. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media