Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada saddex ka mid ah Xarakada Al-shabaab oo ay sheegtay in ay hubeysanyihiin qatarna ku yihiin Muwaaddiniinta Kenyaanka ah.

Magacyada Raggan ayaa lagu kala sheegay; Abdalla Omar Masudi, Ismael John Otieno iyo John Muasya oo ku magac dheer Yahya Muasya.

Raggan ayey dowladda Kenya sheegtay in ay ka soo kala jeedaan Gobollada Mombasa iyo Kwale ee Dalka Kenya.

Booliska waxaa ay sheegeen in Guriga Cabdalla ay weerareem 12kii Bishan, kana soo heleen Qori AK47 ah, iyo 30 Xabbo oo Rasaas ah.

Ismael iyo Yahya ayey Boolisku sheegeen in markii ugu dambeysay lagu arkay degaanka  Bombolulu, ee Magaalada Mombasa, Bishii October ee la soo dhaafay.

Sanadkii 2016kii ayaa lagu xiray Lamu,waxaana la siidaayay muddo kaddib markii lagu waayay caddeymo ku filan,markaas oo lagu helay in ay u safreen Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.