Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in shalay tuulada Qoloji iska hor imaad kudhex maray shacabka tuulada iyo maleeyshiyaadka Liyuu Bolis oo halkaasi kusugnayd.

Kadib marki uu dhacay banaanbaxa shacabka Ogadenia ee tuuladaasi ay ku qabirayeen dareenkooda gumaysi diidka ah kuna didanayeen isticmaarka Wayaanaha iyo koxda u adeegta ee fadhigeedu yahay magalaada Jigjiga ayaa waxaa dhacay inay iska horyimadaan koox Liyuu Bolis oo rabtay inay dadka kala didiso iyo shacabkii bananbaxayay.

Dadka rayidka ah oo wacad kumaray inay gumeysiga itoobiya iska dulqaadaan ayaa qolyihii kaqabsaday dhabaqoodhigii gobta yimid, waxayna dileen 4 maleeyshiyaad katirsan Liyuu Bolis, halka 9 kalana dhaawacyo xun sofadheen.

Halgan Media waxay heshay magaca sargaal kamida Liyuu Bolis goobta ku dhaawacantay, waxaana ladhaha Mukhtar Maxamed Kaeeye. Dhawicii iyo maydkii Liyuu Bolis ayaa losoo qaaday dhanka magalaada Jigjiga.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.