Qarax ayaa goor dhow oo caawa ah ka dhacay waddada 21-ka October ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo si aad ah looga maqlay inta badan magaalada.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay lalana eegtay gaari marayay meel ku dhow dugsigii hore ee 21-ka Oktoobar. Illaa iyo lama oga khasaaraha ka dhashay illaa iyo hadda.

Magaalada Muqdisho oo bilihi dhowaa ay aad uga yaraadeen qaraxyada ayaa waxaa muuqata in labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ay dib uga soo cusboonaadeen qaraxyada.

Ma jirto cida sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay weerarada nooca ah ee ka dhaca wadanka, ee lala eegtay goobaha dowladda maamusho, sida magaaladda Muqdisho oo Qaraxyada ugu badan ay ka dhacaan.

Halgan Media.