Kumanaan Qoys oo ah dadkii ka soo barakacay xasuuqda ay Cadowga Oromada ka wadan xadka u dhaxayso Somali Galbeed iyo ismaamulka Oromada ayaa xiligan la soo sheegaya in xaalad nolol xumo ay ku haysato degmada Tuliguuleed iyo tuuloyinka udhow.

Dadkaan oo ah xoolo dhaqato ayaa kunool yihiin xero barakacyal kadib markii ay maleeyshiyaadka Oromada ka barakicyeen dhulkooda. Inta badan dadkan ayaan haysan raashin ay cunaa iyo biyo ay cabaan waxaana gurmad aan sidaas usii badnayn lagaaray dadka shacabka degan Qaybaha kamid ee gobolka Fafaan.

Maleeyshiyaadka Oromada waxaay gubeen ugu yaraan 11 tuuloyin oo hoos yimaado degmada Tuliguuleed iyo waxaay booben Hantida ay lahayeen shacabka Somalida lakiin Waxaa nasib darro ah inuu  Mustafa Cagjar iska indha tiraayo dhibaatada heysta shacabka dulman.

Cabashadaan ka soo yeeraysa dadka shacabka oo ka soo barakacey tuuloyinka udhow degmada Tuliguuleed ayaa kusoo beegmaysa xili maalmo kooban ay ka harsanyihiin bisha barakaysan ee Ramadan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.