Wararka ka imaanaya gobolka Fafaan gaar ahaan magalaada Jigjiga ayaa ku waramaya in toogasho loogu geestay Qof Shacab ah halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku Daraya in Shaqsiga Dilka Loo Geestay uu ahaa wiil dhalinyaro ah isla markaana Ragii dilkaasi Geystay ay isga Baxsadeen Halkaasi.

Ilo Wareedyo kusugaan xafaada oo dilka ka dhacay ayaa xaqiijiyay Falkani Dilka ah ee loo geestay wiilka, kuwaas oo tilmaamay in  aysan garanayn sababta ka dambeysa dilkaasi iyo Marxuunmka Magaciisa intaba walow ay ka gaabsadeen in aan Codkooda u adeegsano Qalabka warbaahinta Sababo Amni awgeed.

Waxayna intaasi ku dareen in Goobta falka Dilka ah uu ka dhacay ay soo gadheen Ciidamada Amniga Deegaanka iyo sheegen in ay Baaritaano ka sameeyeeni doonan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.