Ugu yaraan laba gabdhood oo Muslimiin ah ayaa la filayaa in markii ugu horraysay loo doorto Aqalka Koongareeska Maraykanka.

Labadaas midkood waa gabadh asal ahaan kasoo jeeedda Falastiin laguna magacaabo Rashida Tlaib oo ka tartamaysa Gobolka Michigan iyo Ilhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya kana tartamaysa Gobolka Minnesota.

Labadooduba waaxay ka tirsan yihiin xibsiga Dimqoraadiga. Dhinaca kale waxaa si weyn u socda ololaha doorashada.

Wadamo badan oo ka mid ah Caalamka ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa Xubnaha Xildhibaanada Wadamadaas qeyb ka noqonayay Soomaalida dalalkaas ku nool kuwaas oo gelayay tartan doorasho.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.