Gelinkii dambe ee Maanta ayaa koox burcad Koonfur afrikan ah waxa ay deegaan ka tirsan Magalada Cape town ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa ku Ganacsada dalkaas.

Kooxda Burcada ah ayaa goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magalada Cape town  gaar ahaan deegaanka philipi ku dileen  muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Socdaal Yare.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika ayaa aad uga xumaaday dilka muwaadinkaasi Soomaaliyeed,iyaga oo walaac ka muujiyay dilalka lagu haayo Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa caado ka noqotay dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku Ganacsada,waxaana jirin ilaa iyo hadda cid waxka qabata.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.