Wararka laga helayo magalaada Jigjiga ee caasimada dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in mamuulka Mustafa Cagjar guddomiyal cusub u magacabay gobolada Erar iyo Afdheer.

Shukri Mustafe Faarax ayaa loo magacabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Erer, sido kale waxa Maxamed Cabdi Maxamed loo magacabay guddomiyaha gobolka Afdheer.

Magacaabista cusub ayaa imaanaysa xili oo muran uu ka tagan yahay Somali Galbeed Udhexeeyo Mamuulka Mustafa Cagjar iyo mucaaradka.

Halgan Media.