Wararka laga helayo galbeedka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Benshangul-Gumuz ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qadeen degmada Metekal.

Sida ay sheegen warbahinta maxaliga ah ee ka howlgasho Itoobiya, Xasuuq baahsan oo socday dhowr sacadood ayaa ka dhacay degaanka Metekal kadib markii ay Maleeyshiyaad hubeysan kuso duleen degaanka, iyagoo leynayay cid walba oo kahor timaado, ha noqoto haween ama caruur.

RW Abiy Ahmed ayaa si kulul u cambareeyay xasuuqaas waxashnimada ah ee ka dhacay degaanka Metekal isagoo sheegay in ay jiran dad dana gaar ah ka leh oo ka dambeyay isku dirka u dhaxeeyo qomiyadaha ku hoos nool Itoobiya.

Sanooyinkii u dambeyay waxa Itoobiya kuso badanayay dagaalada udhaxeeya qomiyadaha Iyaga oo uu dhexmarayay dagaalo Diimaha ku saleysan, taas oo keentay in ay kumaanan shacab ah ku nafwaayan sido kalana Malayin kale ayku barakaceen.

Halgan Media.