Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Filish ayaa xalay kulan casha sharaf ah oo sagootin ah u sameeyay Isimo ka socday Mamuulka Puntland iyo Ismaamulka Somali Galbeed, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka kala socday goleyaasha wasiirrada iyo sharci dejinta ee  dowladda federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqameed, fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo kulankaas hadal ka hadlay ayaa xusay in Muqdisho ay tahay magaalo u dhaxeysa dhamaan umada Soomaaliyeed.

Cumar Filish ayaa sidoo kale goobtaas ka sheegay in qof kasta oo Soomaali ah uu waajib ka saaranyahay ka qeyb qaada shada xasiloonida iyo soo celinta bilicda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Habeenno ka hor ayaa isimadaan madaxtooyada Soomaaliya sidaan oo kale casho sharaf loogu sameeyey, waxaana xilligaas casuumay xaafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre, maalmihii lasoo dhaafay ayey ku sugnaayeen Muqdisho welina lama shaacin u jeedkooda ku aadan imaanshahooda Muqdisho.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.