Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in todobaadkan ay dib u billowday taageeraddi milatari ee ay siin jirtay ciidmada Dowladda Soomaaliya oo ay joojisay sanadkii 2017-kii.

Mareykanka ayaa waqtigii uu joojinayay kaalmada uu haatan dib u bilaabay waxa uu sabab uga dhigay in wal-wal uu ka qabatay Musuq-maasuqa la xiriira sida loo maareeyo gargaarka Ciidanka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Afhayeen u hadlay safaaradda oo lagu Magacaabo Ryan Grizzle waxa ku sheegay in tallaabadan Mareykanka uu qaaday ay ka dambeysay kadib markii ay korortay kalsoonidii ay ka qabaan hanaanka maamulka dhaqaalaha ee Dowladda.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Soomaaliya in ay mudnaanta koobaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta Hay’adaha amniga si loo helo Ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh in ay amaanka dalkooda la wareegaan” ayuu yiri Ryan Grizzle oo ah Afhayeenka u hadlay Safaaradda.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmada dhaqaale oo ah mid kooban oo lagu taageerayo oo kaliya la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Qoraalka ayaa ugu waxaa lagu sheegay in dib u heshiisiinta DFS iyo Dowlad Goboleedyada khilaafka kala dhaxeeyo ay muhiin u tahay hirgelinta Dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta iyo barwaaqo ay higsadaan guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Kaalamada Mareykanka uu siiyo Ciidamada Dowladda ayaa ah Cunto iyo Shidaal ay ku howlgalaan Ciidamada ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.