Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee Xarunta gobolka Faafan ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin ay dil ka geysteen xaafado kamid ah magaalada Jigjiga.

Sida aan Xogtaan ku heleyno kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa dilay qof shacab ah, kadibna goobta ka baxsaday. Murxuumka la dilay ayaa magaciisa naloogu sheegay Cawaale Roble Cumar

Dhinaca kale ilo wareedyo amniga ayaa Halgan Media usheegay in marxuumka la dilay loo qaaday isbitaalka Karamaarda, Iyo inay ciidamada Amaanka baaritaan ka wadaan goobta uu dilku ka dhacay

Todobaadyadii u dambeysay amniga magaalada Jigjiga ayaa faraha kasii baxayay, taas oo keentay inay dadka degaanka cabsi xoogan wajahaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.