Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xaruunta Itoobiya ayaa sheegaya in sakaay duleedka magalaada gar ahaan degmada Sebeta lagu qabtay 52 Qoori oo si sharci darro ah magaalada loosoo galiyay.

Booliska Federal ka Itoobiya ayaa sheegay inay hubkan ku qabteen meel gaadiidka lagu baadho oo katirsan degmada Sebeta, kuna taala duleedka magalada Addis Ababa. Arintan ayaa timid xiilo ee degnaasho la’aanta kusi batay qayba kamid dalka Itoobiya.

Addis Ababa ayaa waxaa lagu soo daad gureeyay hubka noocyadiisa kala duwan ilaa hadana lama ogo cida rasmiga ah ee kadanbaysa ama dabada ka riixaysa in hub intaas gaadhaya lagu soo daabulo magaalada, balse waxaa shaki kujirin in qoolo xaqjiir kasoo jeedo qomiyadaha Oromada iyo Axmaraada kadanbeeyo qaska iyo iskudirka Itoobiya kasocda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.