Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo axaddii kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaohosa ayaa ka dalbaday inuu dhexdhexaadin ka sameeyo muranka biyo xireenka ee u dhaxeeya dalalka Masar iyo Itoobiya.

“Ramaohosa  waxaa uu saxiib la yahay Masar iyo Itoobiya, waana guddoomiyaha soo socda ee midowga Afrika, waxaa uu labada dhinac kala hadli karaa iney xal ka gaaraan waxa ka dhaxeeya si nabad ah” waxaa sidaasi yiri Abiy Axmred.

Arrinta Biyo xireenka ayaa waxaa ay xasarad ka dhex dhalisay dalal uu maro webiga NILE, waxaana lagu wadaa in todobaadkan ay xal ku garaan kulan ka dhacaya dalka Mareykanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.