Tariikhdu markii ay ahayd 18/12/2020 RW Rooble wuxuu ka bad baaday dil qorshaysan oo lagu qaarijin rabay, sidaan oo kale ayuu Ra’isal Wasaarihii ka horeeyay uga bad baaday dilal qorshaysan kadib markii uu ka hadlay arrimaha doorashada waxayna kala ahayd booqashadi magaalada Marka oo bomb lagu weeraray iyo stadium KOONIS oo la doonayay in lagu qaarijiyo kadib markii layrarka loo dansaday hub na la galiyay stadium ka.

Qorshaha ugu wayn ee qaarajinta Ra’isal Wasaare Rooble waxaa lahaa agaasimaha NISA Fahad Yasin oo u arkayay fursad dib loogu dhigi karo doorashada hadii musiibo noocaan oo kale ah dhacdo, sababaha ugu wayn ee waqtigaan loogu soo beegay waxaa lagu tilmaamay in Farmaajo iyo Fahad aysan diyaar u ahayn doorasho maadaama aysan soo gaarin lacagtii ku bixi lahayd kala gadashada xildhibaanada.

Sida shaqsi ku dhaw Fahad uu noo sheegay ayaa tilmaamaysa in Ra’isal Wasaaraha iyo Fahad aysan xiriir hore ka dhaxaynin oo ay meesha keensadeen wasiir ka Batroolka Cabdirashiid iyo wasiir ka waxbarashada Cabdilaahi Carab, sidaas darteedna uu wax qiimo ah ugu fadhin sidoo kale na noqon kara wado ( IN USA IT’S CALLED TICKET) lagu gaaro hadafka dib u dhac ee doorashada.

Waxaa dilka isla qorsheeyay Cali Dheere iyo Fahad Yasin, waxayna isticmaaleen saraakiil NISA GALMUDUG ah si loo fududeeyo fulinta qorshaha iyo gudbinta qaraxa.

Todobaad yada soo socdo waxaa macquul ah in shaqsi muhim ah la qaarijiyo, si qorshihii dib u dhigista doorashada iyo lacag soo galinta dalka ay u fududaato, waxaa macquul ah in mid kamid ah musharaxiinta loo badalo maadaama ay fashilantay dhagarti lala damacsanaa RW Rooble, balse Rooble ayaa wali halis ku sugan oo mar labaad la isku dayi karaa in la qaarijiyo hadii uusan wax ka badalin amnigiisa, Fahad ayaa ku tashanaya in markaan uu isticmaalo in qarax loo dhiibo Cabdirisaaq Caato si qaarijinta u fududaato sidii AUN Engineer Yariisoow.

Doorka Shabaab ay ku leeyihiin waa soo diyaarinta qaraxa iyo sheegashada marka uu dhaco, sidoo kale doorka agaasimaha NISA ayaa sidii loo fududayn lahaa gaarsiinta halka uu fadhiyo RW Rooble oo inta badan dadka ku hareeraysan hada ay yihiin shaqaallo xafiiska Madaxtooyada laga soo wareejiyay.

Wixii ku soo kordho warbixintaan kala soco Halgan Media.