Warar hordhac ah oo gor dhow naga soo gaaray gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in laba Diyaaradod oo ka buuxa ciidamada dowlada ay goor dhow kasoo degtay garoonka ku yaalo magalaada Dollow.

Ilo amni ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ay labada diyaaradood kasoo degteen garoonka 30 daqiiqo ka hor, iyadoo Maamulka iyo Saraakiisha amaanka ee ku sugan garoonka ay diideen in sawiro laga qaado Ciidamada degay.

Dhinaca kale ilo amniga ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ay diyaarad sedaxad maanta kuso wajahan tahay magaalada Dollow taaso ay saran yihiin wefdi kasoo ambabaxay caasimada Muqdiso oo uuna hor kacayo guddomiyaha gobolka Gedo, Ciisman Nuur Xaaji oo ku magac dheer Macalimu

Imaanshaha ciidamada ayaa ku began xili uu gobolka Gedo ay ka tagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeeyso dowlada dhexe iyo Mamuulka Jubbaland, taas oo laga cabsi qabo in ay isku bedesho dagaal fool ka fool oo ka dhex dhaca labada ciidan.

Halgan Media.