Dagaalyahaano hubeeysan kana tirsan ururka Al Shabaab ayaa dad shacab oo u badan Reer miyi ka qafashay deegaano kamid ah gobolka Bay sida ay Halgan Media u xaqijiyeen ilo xog ogal ah.

Sida aan Xogta ku helnay, Dagaalyahanada al Shabaab oo aad hubeysanaa ayaa jidka u galay dad rayid oo la ocday Kareeto xili ay marayeen mel udhow degaanka Raaxoole oo 6 KM u jirto degmada Diinsoor, kadibna afduubtay.

Qaar kamid dadka la weeraray ayaa nasiib u helay in ay baxsadaan, halka inta kale ee la qabtay aan la Ogeeyn meesha ay Al Shabaab u kexeeyateen.

Hoos waad ka akri karta dadka laga afduubay duleedka Diinsoor magacooda.

  • Cali Janaay Nuurow Xasan
  • Cusman Cali Bari
  • Cabdiqalif Cali
  • Cabdirashid Cali

Xarakada Al Shabaab ayaa mar walba beegsado dadka rayidka ee badeecoyin u iib geeya degaanada ay ka ariimiyan ciidamada Shisheeyaha, waxana ugu daran gobolada Bay iyo Bakool oo dhowr mar oo hore ay Al Shabaab ku gubeen Gawaari aad u badan oo badeecoyin siday.

Al Shabaab ayaa 9kii sano ee ugu dambeeyay go’doomin ku hayay degaanada gacanta ugu jira ciidamada Itoobiya waxaana ay Awood u yeesheen in Deegaanadaasi cunaqabateeyan.

Halgan Media