Warar hordhac oo naga soo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in salaada Duhur ee maanta kadib ay dagaalyahaano katirsan ururka Al Shabaab ay gudaha u galeen degmada Diinsoor.

Todobaneeyo katirsan dagaalyahaanada Al Shabaab oo aad u hubeeysan ayaa gudaha u galay xaafadaha degmada Diinsoor, waxayna si wateen 4 Qof oo shacab ah, lamana ogo halka ay la’aaden.

Dad goobjoogyal oo khadka Telefonka kula hadlay Halgan Media ayaa xaqijiyay in dadka la afduubay ay kamid yihiin niin la yirdha Cabdiraxman Warabow Xaji iyo oday wayeel ah oo lagu magacabo Aadan Gurey oo ay garacen, kadibna kaxeysteen.

Mudooyinkii ugu dambeyay ururka Al Shabaab ayaa cadaadis xogan oo aan caddi ahayn saarayay dadka shacabka ee ku dhaqaan degaanada go’doonsan, kana tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Halgan Media.