Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartaamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu dagaal dhex maray ciidamada Itoobiyanka ah oo dulaan ku joogo dalka, xogna ku heysto qeyba kamid ah gobolka Hiiraan.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ay is-rasaasayn xoogan ku dhex martay qaar kamid ah ciidamada Itoobiyanka ee ku sugan saldhig ciidan ay ciidamada Itoobiya ku leyihiin degmada Halgan ee gobolkaasi Hiiraan.

Sida aan xogta ku helnay, qayba kamid ah ciidamada Itoobiyanka ayaa isku deyay in ay hubka ka dhigan askar iyo saraakil kasoo jeedo qomiyada Tigray, kadibna xiraan balse iska hor’imaad culus oo dhacay kadib, waxaa la sheegayaa in labo Askari oo itoobiyan ku geeriyoden dagaalka.

Muddadi u dambeysay waxa ciidamada Itoobiya dhexdooda ka socday isir begsi, taas oo dhamaan la begsanaayo askarta Iyo saraakisha kasoo jeedo qomiyada Tigreega.

Halgan Media