Shalay oo ay tariikhda aheyd 5/12/2020, waxa xero barakacyaal ah oo ku taallo duleedka magalaada Baydhabo la yiraahdo Hoobishoole soo gaaray ku dhawaad 300 qoys sida ay Halgan Media u shegeen ilo lagu kalsoon yahay oo gobta kusugnaa.

Sida aan xogta ku helnay, Qoysaskan oo gaaraya ku dhawaad 300 boqol qoys ayaa kasoo barakaceen degaano ay ka ariimiyan Al Shabaab oo hoos tago magalaada Qansaxdheere oo 93 kilometer u jirto Xaruunta gobolka Bay ee magalaada Baydhabo.

Magaalada Qansaxdheere oo ay xog ku heysteen ciidamada Itoobiyanka oo dalka kuso dulaay sanooyin ka hor ayaa ku gadoodsan isla magalaada, waxaana ku hareeraysan Al Shabaab.

Dadka oo shalay soo gaaray xerada barakacayaasha ee la yirahdo Hoobishoole ayaa sheegay in ay kasoo barakaceen degaanada ku hareeraysan magalaada Qansaxdheere, waxeyna sheegen in ay jidka sedax maalin toos ah kuso jireen ka hor inta aysan soo gaarin xerada barakacyaasha ee ku taallo duleedka magalaada Baydhabo.

Markii la weydiyay qaar kamid ah dadka barakacyasha ee kasoo baxsaday degaanada ay ka arimiyan Al Shabaab, waxayna sheegen in xog loga qaaday xoolahooda iyadoo loo diiday Beerahoodi iyo xitaa in ay furtan Ganacsi, sida darteed ay kasoo caraaren guryahooda, ayna kuso jireen jidka sedax malin toos ah, si ay usoo garaan xerada ku taallo duleedka magaalada Baydhabo.

Ilo kamid ah dadka degaanka, ayaa sawiro kasoo qaaday qaar kamid ah qoysaska cusub ee soo garaay xerada Hoobishoole, waxaana ka daawan karta sawirada kasii hooseeyo.

Xarakada Al Shabaab ayaa marwalba dulmi iyo dhibaato u geysto dadka rayidka ah ee ku hoos nool degaanada ay ka arimiyaan, waxaana tuusala ku ah dadka shalay soo gaaray xerada Hoobishoole, kadib markii ay noolashado la soo carareen.

Halgan Media.