Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in Lacagtii hore ee Itoobiya la xareeyay tii cusbaydna ee sameeysatay Dowlada Federalka lama hayo oo waxba bangiga ma yaalo, waxaa caqabad fara badan soo wajahday shacabka ku dhaqan dhulka Somali Galbeed.

Bilooyin ka hor ayey aheed markii ay Taliska Abiy Ahmed ku dhawaaqay in la bedelo lacagta Itoobiya, laguna badelo lacag cusub, taas oo caqabad badan ku noqotay dadkii lacagta hore ugu jirtay bangiyada dalka.

Hadaba Xafisyada bangiga Itoobiya Ethiopian National Bank uu ku leyahay Magaalooyinka Soomaaliyeed ee Fiiq, Wardheer, Dhagaxbuur, Godey ayaa haba yaraatee wax lacag ah laga waayay bangiyada.

Dowlada Federalka Itoobiya weli kama aysan hadlin dhibka cusub ee soo wajahay shacabka ku dhaqan Somali Galbeed, waxaayna u muqataa in uu taliska Abiy Ahmed uu mar kale gacan bidixaynayo shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya

Halgan Media