11 qof ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay agagaarka Forolle ee ismaamulka Marsabitee u dhow xuduudka Kenya iyo Itoobiya.

Marka loo eego jiifka degaanadaasi Mamo Honicha, labo qof oo kale ayaa laga daawaynayaa dhaawac ka soo gaaray rasaasta.

Waxaa lagu soo waramayaa in dadka weerarka soo qaaday ay rasaas la dhaceen dadkii degaanka ee rayidka ahaa xilli uu socday kulan looga hadlayey amniga.

Dadka degaanka ayaa farta ku fiiqay booliska qaranka ee ka shaqeeya duurarka kuwaasi oo ay sheegeen in ay ka seexdeen sugidda amniga degaanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.