Wararka nagasoo gadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan degmada Sagag ee gobolka Nogob ayaa sheegaya in maalinta Axada ahayd ay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska xireen Ugu yaraan 48 Qof oo ahay Xoolo dhaqaato ah

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay dhacdaan, asaga oo sii sheegay dadka markii la xiray in xabsiga loo taxaabay.

Dadka la xidhay waxaa kamid ah.

  • Axmed Cumar
  • Mawliid Cabdi
  • Afqor Cabdillahi
  • Ina Sheekh Cabdi Sofa
  • Cadani Cabdi Biraale
  • Ibrahim Mahamud
  • Cabdi Cali Nuur

Mamuulka gobolka Nogob weli kama hadlin dhacdadaan foosha xun ay maleeyshiyaadka Liyuu Booliska la kaceen dadka xoola dhaqaatada oo aan waxba galabsaniin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.