Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaal lala galo Masar uusan xal noqoneyn oo loo baahan yahay in wax walba wadahadal lagu dhammeeyo,  haddii ay suurageli weydo dalkiisu uu hayo malaayiin dhalinyara ah oo “dagaal geli karta”.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa maanta hortagay baarlamaanka dalkiisa iyada oo ay mudanayaasha baarlamaanka ay su’aalo ka weydiiyeen arrima badan oo ku saabsan xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay.

Arrimaha wax laga weydiiyay waxaa ka mi ah xiisadda Masar iyo Itoobiya ka dhex taagan, xorriyadda saxaafadda, dorashooyinka, nidaamka federaalka, arrima la xidhiidha siyaasadda iyo bulshada Itoobiya.

Masar iyo Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xaaladda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka ka dhashay biya xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile wuxuu ku jawaabay in “shacabka Itoobiya aysan dooneyn in waxyeello ay u geystaan shacabka Masar, in ay wax taraan mooyee”.

Wuxuu intaa ku daray: “Dowladda Itoobiyana waa la mid. Annaga iyo Masar arrimo siyaasadeed oo aan ka wada hadleyno haba yaraatee ma jiraan. Madaxweyne Sisi dhawaan ayaan wada hadalnay maalmaha so socda barri ama saad dambe inaan kulanno ayaan rajeeynayaa inaan ka wadahadalno wixii ay dhibsadeen.”

“Arrinta kale ee sheegesyo in tallaabba aan qaadeyno, sida aad la socotaan shacabka Itoobiya, dal dibadba, waxaan si xushmad leh ugu sheegayaa in afatrii qofba uu mid sabool yahay, waana dhalinyaro, marka xataa haddii Afrika inaan la dagaallanno u baahanno malaayiin ayaan dagaal gelin karnaa.”

Isagoo ka fogaanayay inuu ereyada dagaalka xoojiyo wuxuu yiri “dagaalku xal ma aha, dagaalka Masar-na ma anfacayo, Suudaan-na ma anfacayo, innagana nama anfacayo.”

“Balse haddii ay arrintu tagto jiritaanka dalka iyo calanka, xataa aniga ayaa galayo dagaalka. Wax faa’iida ah lagama helayo, fikirka noocaasi ma aha mid wanaagsan, waxaa wanaagsan in la wada fariisto oo la wada hadlo.”

“Si kastaba ha ahaatee waxaan idiin sheegayaa ineysan jirin cid Itoobiya ka hor istaagi karto iney biya xireen dhisato,” ayuu yiri Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.