Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Uganda Generaal David Muhoozi oo ka hadlayay goob ay Ciidamadani ku tababaranayeen oo ku taalla dalkaasi ayaa sheegay in ay koobanyihiin 25 Askari oo ah Ciidamada gaar ah, kuwaasi mas’uuliyadoodu ay noqon doonto ilaalinta Madaxda Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Ciidamadni ay ku shaqeyn doonaan Maandate-ka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, balse ay si gaar ah u qaabil sanaan doonaan ilaanita iyo galbinta mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn Mr Muhoozi ayaa kula dardaarmay Ciidamadasi in howlahooda ay u gutaan sida ugu fiican, islamarkaana ay ka fogaadaan waxyaabaha dhaawici kara sharafkooda Askarinimo.

Uganada ayaa ah deeq bixayaha ugu badan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyadoona 6000 oo Askari oo ka socda dalkaasi ay haatan joogaan gudaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.