Wararka naga soo gaadhay caasimada dalka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in Maleeshiyadka Duufan oo katirsan hayada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee NISA ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka wado degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, Maleeshiyadka Duufan ayaa howlgallo baris ka wado inta u dhaxeeyo isgoyska Banaadir ila isbitaalka Digfeer, iyagoo ay watan gaariyasha dagaalka oo ay leyihiin Taliska Nabad Sugida, laguna daadiyay jididka. 

Ujeedada laga leyahay howlgallada waxa la rumeysan yahay in uu yahay mid xaqijinayo amniga magaalada Muqdisho balse dadka degaanka ayaa u arka mid dholuutas ah, iyagoo oo aad ugu cabsi qaban Maleeshiyadka Duufan.

Maleeshiyadka Duufan waxa la aas aasay intu Fahad Yasin Xaaji Dahir maamulayo NISA, waxayna u badan dagaalyahano ka gostay ururka Al-Shabaab, laguna daray NISA. 

Halgan Media