Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Waqooyi Galbeed sida ay sheegeen warbaahinada maxaliga ah oo ka howlgallo gudaha dalka.

Waxana la sheegay in uu marxuumka waayihi dambe la daaladhacayay xanuununa kala duwan, waxaana la sheegay markii u nafbaxay ay la joogen ehelkiisa. 

Abwaanka oo ku can baxay gabayga iyo suugaanta Soomaalida ayaa ah shaqsi taarikh dheer iyo ixtiraam aad u weyn ku leh bulshada Soomaliyeed, waxana hubal ah in murugda ay geeridisa reebtay lagana dareemayo geeyiga Soomaaliyeed. 

Halgan Media