Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dalka Ogadenia  ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah.

ONLF war saxaafadeed ay soo saartay ayey ku sheegtay in xabbad joojintan ay bilaabanayso maanta oo ah 12-ka Ogosto sanandka 2018-ka laga bilaabo 12-ka duhurnimo. ONLF Waxay ugu baaqday dawladda Itoobiya inay iyada qaaddo tallaabadaasi oo kale ayna ka harto tallaabooyin boqongoyn kara hannaanka nabadeed.

Dawladda Itoobiya ayaa bishii hore ka saartay liiska argagixisada ururka ONLF iyo laba urur oo kale. ONLF waxay go’an tahay inay xal u raadiso shacabka Somalida Ogadenia. Sannadkii 1994-kii ayaa ONLF ay qaadatay hubka kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay ururka iyo ururka EPRDF ee ay hoggaaminayeen maleeyshiyaadka TPLF.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.